Dowlada Aljeeriya ayaa sheegtay in xiriirkii diblumaasi ay u jartay dalka ay jaarka yihiin ee Marooko oo ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah wadankaasi Aljeeriya.
Xiriirka labada wadan ee Carbeed ayaa ahaa mid xun muddooyinkii danbe, waxayna labada dowladooda isku heystaan dhulka loo yaqaano (Galbeedka Sahara).
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Aljeeriya Ramdaani Lamamra, ayaa galinkii danbe ee shalay shaaciyey in ay xiriirka u jareen dhigooda Maroko, walow uu sheegay inay sii furnaan doonaan Safaaradaha labada dowladooda.
Dhinaca Marooko ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aankan ka soo baxay wadanka ay jaarka yahiin ee Aljeeriya.
Xukuumada Aljeeriya ayaa todobaadkii hore ku eedaysay dowlada Marooko inay gacan siiso kooxo argagaxiso ah oo khal khal ku haya amniga Aljeeriya, kooxdaasi oo lagu eedeeyey inay ka danbeysay dabkii la qabad siiyey dhulka kaymaha ah ee wadanka Aljeeriya oo uu khasaaro badan ka dhashay.