Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Midowga Musharaxiinta “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Midowga Musharaxiinta oo ay ka wada hadleen dar-dargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

kulanka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah;

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Dardar gelinta howlaha doorashooyinka Iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda

Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, si dhowna looga wada shaqeeyo arrimaha u baahan kala caddeeynta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Murashaxiinta uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, isagoo xusay in wajiga labaad la bilaabi doono goordhaw, waxaana uu kulanka ku soo idlaaday jawi is afgarad leh.

Previous Post

Kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga  oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka

Next Post
Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka

Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In