Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...






















