Tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada adduunka ee uu sababay fayraska Corona ayaa gaartay 5 milyan, iyadoo xanuunkan faraciisa delta uu ku sii fidaayo qeybo kamid ah adduunka.
Sida ku cad xogta ay baahisay Reuters, sanadkii la soo dhaafay tirada dhimashada corona ayaa gaartay 2.5 milyan.
Dadka ugu badan ee u geeriyooday Xanuunka Covid 19, ayaa laga diiwaan geliyay Waddamada Mareykanka, Ruushka, Brazil, Britain, Mexico iyo Hindiya.
Celcelis ahaan dad gaaraya 8,000 oo dhimasho ah ayaa laga diiwaan geliyay Adduunka toddobaadkii la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in daqiiqad kasta xanuunkan ay u dhintaan Shan ruux.
Tirada dadka Mareykanka ugu geeriyooday Corona ayaa kor u dhaaftay 700,000, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay Jaamacadda Johns Hopkins, tiradaas oo ku dhow dadka ku nool magaalada Washington DC.