Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka Istaraatijiyadda Isbedelka Koboc iyo Dhaqaalaha ee Soomaaliya oo ka qabsoontay Hotel Decale ee Muqdisho.
Taasi oo dhiiri-geliyey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.
Minaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Golaha Dhaqaalaha ee Qaranka Soomaaliyeed, ayaa halkaas lagu soo ba dhigay daraasad laga sameeyey saameyntii Cudurka COVID-19 ee dhaqaalaha dalka.