Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Munaasabad looga hadlayay Istiraatiijiyadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo uu soo agaasimay Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayay qorsheynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee soo aadan, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal, hay’ado Cilmi baaris iyo qeybaha kaladuwan ee Bulshada.

Inta uu socday daah furkaan ayaa lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in la dajiyo qorshaha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 30-ka sano ee soo aadan si dalku uu u yeesho hiigsi iyo horumar dhaqaale oo dagsan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha QarankaΒ  Cali Ciise Cabdi ayaa sheegay in kulanka looga doodayay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona dajin lahaa qorshe weyn oo dhaqaale.

“Sidii loo sameyn lahaa ummaduna u gaari laheyd himolooyinkooda kobcinta dhaqaalaha loona heli lahaa fikar mideysan oo lagu howl gali karo munaasabadahaan oo kale, waxaa looga hadlaa dariiqii la mari lahaa 5-ta sano ama sadexda sano ee soo socota laakiin tani waa ay ka duwan tahay waxaa laga hadlayaa waddadii horumarka dhaqaalaha loo mari lahaa 30-ka sano ee soo socota” ayuu yiri Cali Ciise Cabdi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diirada la saarayo sidii ilaha wax soo saarka dalka loo howl gallin lahaa si loo helo koboc dhaqaale

“Ahmiyadda iyo natiijada uu leeyahay kulankaan waan in diirada la saaro dhinaca wax soo saarka cuntada hadii ay noqon laheyd beeraha, kalluumeysiga ka faa’ideysiga khayraadka Dalka iyo sidii loola fal gali lahaa isbadalka Cimilada, waxaana rajeyneynaa in lagu soo daro dowladnimada iyo dib u heshiisiinta”.ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo teknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaΒ  Cabdi Sheekh Axmed ayaa isna sharaxay waxyaabihii laga wada hadlay intii shirku socday waxa uuna yiri “Manuusabadaan waxa ay aheyd in la sameeyo istiraatiijiyad fog iyo sidii 30-ka sano ee soo socota dhaqaalaha Soomaaliya dib loogu soo kicin lahaa, waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah sidee uga faa’ideysanaa badaan weyn ee aan leenahay, xoolaha iyo khayraadkeenna kale iyo sidii wadanka loogu raadin lahaa dhaqaale iyo maal gallin si aan ula jaan qaadno horumarka Dunida ay sameeneyso”.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka jawaabtay Cabashadda Macalimiintii saxay Imtixaanka dowlada

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In