Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda UNICEF oo booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda caafimaadka Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda UNICEF oo booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda caafimaadka Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda hay’adda UNICEF ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaaardda Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay wehlinayeen Agaasimayaasha Wasaaradda, lataliyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan qaybta tallaalada.

Agaasimaha ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda lana wadaagay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanunka COVID-19 dadaallada Wasaaraddu wado iyo talaalka oo dadka si weyn loo gaarsiiyay.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo kaalinta wax ku ool ah ee ay uga jirto dadaalka Wasaaraddu ka wado ka hortagga COVID-19.

Wafdiga oo ka koobnaa Boney Kyandindi, Madaxa Caafimaadka UNICEF ee Soomaaliya iyo Daniel Yayemain, Madaxa Tallaalada UNICEF Puntland waxana ku wehelinayay Cabdirisaaq Haga, Sarakaal Ka tirsan qaybta tallaalada UNICEF Puntland Iyo Maxamed Hiirad, Sarkaal ka tirsan wacyi gelinta tallalada UNICEF ee Puntland.

Saraakiisha ka socotay hay’adda ayaa dhankooda uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda soo dhawayntooda iyo dadaalka ay ugu jiraan yaraynta saamaynta xanuunka uu yeelan karo iyo gaaritaanka dadweynaha ee tallaalka COVID-19.

Intaas kadib waftiga ayaa kormeeray qaybaha keydka dawooyinka Wasaaradda iyo qaboojiyaasha tallaalka lagu hayo, waxayna warbixinno ka dhagaysteen saraakiisha ka shaqaysa Waaxda.

Previous Post

Cali Shacbaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka 11aad

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay qeybaha bulshada Degmada Baraawe

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magaacabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay qeybaha bulshada Degmada Baraawe

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In