Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa loo doortay inuu noqdo Mudane ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.
Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu isna helay 24 cod, waxaana Senator Cali Shacbaan Ibraahim uu noqday mudanihii 7aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Kursiga haray ayaa la qorsheeyay in la doorto isla caawa, waxaana uu noqon doonaa kan 8aad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee dalka.