Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga hadlayey kala warqaadasho Xaalada Degmada, u diyaar garowga doorashooyinka Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Dardargelinta dhisidda Maamulka Golaha Deegaanka Degmada waxa uu la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Degmada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka sido kale waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Faqi, Wasiiro, Maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo, kaasi oo uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed warbixino uga dhageystay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb galay.
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kula dar daarmay laamaha amniga iyo xubnaha kale ee shirka ka qeyb galay inay xoojiyaan Nabadgelyada magaalada.