Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hirshabeelle oo soo gabagabeysay doorashada xubnaha Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Doorasho Maanta ka dhacaysa Magaalada Xudur ee G/Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matali doono Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Labo kursi oo ka harsanaa Xildhaannada Aqalka Sare ku matali doono Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar, kuwaasi oo kala ah Senator Cali Shacbaan Ibraahim iyo Senator Zamzam Cabdullaahi.

Related posts

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025

Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu isna helay 24 cod. Sidoo kale Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa heshay codad gaaraya 77, halka musharaxii la tartamaysay ee Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 cod, waxaana Zamzam ay noqotay mudanihii ugu dambeeyay ee ku guuleysta kursiga 8aad ee Golaha Aqalka Sare.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa soo dhameystirtay dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, waxaana sidoo kale jirta in inta badan maamul Goboleedyada kale dalka ay soo doorteen Xildhibaanadii Aqalka Sare ku matali lahaa maamuladooda, taas oo ka dhigan in dhawaan ay soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaannada Aqalka Saree ee Baarlamaanka dalka.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay qeybaha bulshada Degmada Baraawe

Next Post

Koonfur Galbeed oo guddi u magacaawday dadka laga soo musaafuriyay Gobolka Sool

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magaacabay Wasiiro cusub

Koonfur Galbeed oo guddi u magacaawday dadka laga soo musaafuriyay Gobolka Sool

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 7-aad...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha...

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In