Madaxa Xafiiska Siyaasadda, Dhaqdhaqaaqa, wax iska caabbinta Islaamka ee loo soo gaabiyo (Xamaas) Ismaaciil Haniyah iyo wafdi uu hoggaaminaaya ayaa Qaahira kula kulmay Taliyaha Sirdoonka Masar.
Xamaas ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay in Haniyah iyo Major General Abaas Kaamil, ay ka wada hadleen arrinta maxaabiista ku jira xabsiyada kala duwan iyo dardar galinta xariirka dhaqdhaqaaqa kala dhaxeeya Masar.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xamaas ay xaqiijisay rabitaankeeda iyo u hoggaansanaanta soo celinta midnimada Falastiin iyo soo afjaridda kala qaybsanaanta.
Warbaahinta Masar, ayaa sheegtay in akulanka lagu soo gabagabeeyay heshiis ku saabsan is weydaarsiga maxaabiista ay kala haystaan Xamaas iyo Israa’iil.
Sidoo kale hoggaanka Xamaas ayaa la sheegay in Masar ay kala hadleen sidii loo soo afjari lahaa kala qaybsanaanta ka jirta gudaha Falastiin.
Wafdiga ka socda Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Qaahira gaaray Axaddii la soo dhaafay kadib markii ay casuumaad ka heleen Xukuumadda Masar.