Cabdikhadar Iimaan Dhaqane iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa maanta magaalada Kismaayo loogu kala doortay Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Jubbaland iyo xoghayaha guud ee ururkaas.
Khadar Iimaan wuxuu heley 65 cod, halka Cabdullaahi uu isna ku guulaystay 57.
Muddo dheer kadib ayay Urur lagu mideysanyahay ay yeesheen wariyeyaasha Jubbaland, waxaana Madaxda maamulka heerarkooda kala duwan ay marqaati ka ahayd doorashada.