Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda dowladda oo booqasho ku jooga Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda dowladda oo booqasho ku jooga Dalka  Rwanda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Axmed Nuur Yuusuf, ayaa booqasho ku jooga Magaalada Kigali Caasimadda Dalka Rwanda.

Ujeedka safarkooda ayaa ah xoojinta wadashaqeynta Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Deegaanka ee Dalka Rwanda iyo sidii Dowladda Soomaaliya ay khibrad uga heli laheyd hab ka maareynta qashinka iyo hirgelinta shuruucda Deegaanka maadaama uu Agaasinka Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku howlanyahay soo saarista Siyaasada Qaran ee Maaraynta Qashinka Dalka (Somali National Waste Management Policy).

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay madax iyo khubaro ka socotay Wasaaradaha, Hey’adda Dowladda Rwanda ee ka shaqeeya arrimaha Deegaanka iyo Dowladda Hoose ee caasimadda Kigali ee Dalka Rwanda.

Waxaa uu wafdig warbixino ku saabsan sida ay u shaqeyso Wasaaradda Deegaanka uu ka dhageystay khabiir ka socday Wasaaraddaas, sidoo kale wafdiga waxaa uu la kulmay hey’adda Rwanda Green Fund, Hey’adda Maareeynta Deegaanka ee Dalka Rwanda (REMA), iyagoo soo bandhigay qaabka wadashaqeynta iyo hey’adahaas iyo halgankooda illaalinta bedqabka deegaanka halka aya kasoo bilaaween iyo sida Soomaaliya cashar uga qaadan karto.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka  ayaa la kulmay dhigiisi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Dalka Rwanda Marwo Beatrice Cyiza,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada hey’adood iyo sidoo kale labada dhinac caqabadaha ka jira iyo guulaha la gaaray.Wafdiga ayaa waxa ay booqasho gaaban ku tageen goobo kala duwan oo lagu maareeyo qashinka adag iyo midka elektoroonika ah.

Ugu dambeyn wafdiga ayaa waxa casho sharaf u sameeyay mas’uuliiyin ka socotay  hey’adda iskaashiga caalamiga ee Rwanda oo ka tirasan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas, iyagoo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta arrimaha deegaanka ee ka dhaxeysa labada dal iyo in laga shaqeeyo kulamo xiga oo heshiisyo is afgarad lagu gaaro.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In