Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)

admin by admin
4 years ago
in Wararka
0
Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Soo Bandhigidii Calanka.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay. Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 67- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:-

“Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalkaiyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay Dalka Serbia “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo arday kala qeyb galay munaasabada xuska maalinta Calanka.

Next Post
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo arday kala qeyb galay munaasabada xuska maalinta Calanka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo arday kala qeyb galay munaasabada xuska maalinta Calanka.

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In