Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Waxaan u mahadnaqayaa Alle Subxaana Wa tacaalaa oo maanta na gaarsiiyay guushan taariikhiga ah iyo miradhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortegayay damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed.
Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka.
Waxaa guulaystay xaqa, waxaa guulaystay sarreynta sharciga, guushaan waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab iyo gaashaan u ah madaxdooda iyo dowladda ay doorteen.
Mar walba oo ay shacabku ku midoobaan waddaniyadda una midoobaan difaaca dhulkooda, waa kan maanta oo kale guul noo soo hoyatay.
Waxaan u mahad-celinayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo u hiilisay sarreynta sharciga. Xukunkani waa astaan qurux badan oo marqaati ka ah hufnaanta iyo daahfurnaanta Maxkamadda ICJ. Waxaa bogaadin mudan Barlamaankii 8aad ee qaatay go’aankii taariikhiga ahaa,kaasoo saldhig u ahaa guusha aynu maanta gaarnay, kaddib markii ay laaleen heshiiskii is afgaradka ahaa oo kenya mar walba ku andacooto,iyagoo meel mariyay qaraar ay ugu magac dareen Dhaxal-dhawr.
Waxaa xusid mudan doorkii shariifka lahaa ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geeddiga cadaaladeed ee lagu difaacayo badda Soomaaliyeed ee ay sheegatay Kenya.
Sidoo kale, waxaa ammaan iyo sharaf mudan Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan iyo Alle ha u naxariistee Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan.
Waxaan idiin xaqiijinayaa in shakhsiyaadkan aan xusnay ay baal dahab ah ka galeen taariikhda dalkeenna, ayna tusaale nool u yihiin jiilasha soo socda iyagoo ku sifoobay difaaca danaha qarankeenna.
Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed marnaba ma ilaawi doonaan xilkasnimada iyo hufnaanta ay muujiyeen Garyaqaannadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag, gaar ahaan Qareennada kala ah;
- Paul S Reichler,
- Prof. Philippe Sands,
- Prof. Alain Pellet,
- Alina Miron iyo
- Edward Craven
Oo dhammaantood ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u wakiilatay matalaadda iyo jeedinta sharciyeed ee Dacwaddeenna.
Waxaa iyana mahadnaq mudan Guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee har iyo habeenba u taagnaa la socodka, maamulka iyo isku xirka dacwaddeenna ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayna ka mid ahaayeen Danjirihii hore ee dalkeenna u fadhiyey Brussels Danjire Cali Siciid Faqi, Xeer Ilaaliyihii Hore ee dalka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Xeer Ilaaliyaha haatan Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud, Qareen Xamsa Ibraahim Cabdullaahi, Danjirihii hore ee Qaramada Midoobay Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Danjiraha haatan Mudane Abukar Daahir Cusman (Baalle).
Difaaca Hantideenna Qaran ma ahayn wax fudud markii loo eego in aan nahay Dad iyo Dowlad la daala-dhacayey duruufo adag kana soo kabanaya sanado badan oo burbur iyo dowlad la’aan ah, haddana ku shaqeeya taageerada, wadaniyadda iyo isku duubnida ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed,taas oo na dhiirigalinaysay awoodna nasiinaysay si aan halgankeenna u xoojino.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Tan iyo markii la i doortay, waxa nala soo gudboonaday culaysyo siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo hoggaanka Kenya ay ku doonayeen inay ka leexiyaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dhabbaha ay doorteen oo ahaa in kiiskan aan looga hadlin meel ka baxsan Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Saddex bilood kaddib markii aan xafiiska la wareegay, hoggaanka Kenya waxa ay si bareer ah u bilaabeen faragelinta siyaasadda gudaha dalkeenna, iyagoo gudaha dalkooda ka soo abaabulay urur siyaasadeed oo ay uga dan lahaayeen inay culays, jahwareer, iyo xasilooni darro siyaasadeed kaga abuuraan gudaha Soomaaliya, ujeeddada ka dambaysana ay ahayd inay ugu gogol xaarto inaan dib ula soo noqonno dacwadda badda,cadaadiskan awgiis.
Kaddib markii ay Kenya ku guuldaraysatay cadaadiskaas, waxa ay bilawday inay xadgudub toos ah ku samayso qarannimada. Hogaanka dowladda Kenya waxay galiyeen maal iyo wakhti badan in siyaasad ahaan nala go’doomiyo oo dowladaha dariska ah iyo guud ahaan qaaradda Afrika iyo beesha caalamka ay naga gudbiyaan sawir been abuur ah oo fool xun.
Sawirkaas oo dhaawac iyo bahdil ku ah sumcadda diwladnimadena soo kabanaysa. Fariimahaas khaldan oo lagu baahinaayey wargeysyada caalamka iyo kuwooda gudaha oo lagu beegsanaayey shakhsiyan madaxda dowladan si sumcadooda loo dhaawaco.
Hogaanka dowladda Kenya waxay abaabul ciidan oo lid ku ah madaxbannaanida iyo danaha shacabka Soomaaliyeed ay ku fulisay duqaymo dhulka iyo cirka ah oo aan loo meel dayin. Dhibaatadaas oo galaaftay naf iyo maal muwaaddiniin Soomaaliyeed oo bir magaydo ah.
Waxaa sidoo kale xusi karnaa burburka loo geystay magaalooyin iyo xarumaha shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee ku teedsan xuduuda labada dal.
Kenya waxay qaaday talaabooyin ugub ku ah curfiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee dalalka Gobolka iyadoo isku dayday in la curyaamiyo dhaqaalaha dalka, kaddib markii ay olole xooggan ka bilowday Xarunta Qaramada Midoobay kaasi oo ujeedkiisu ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo Qaraarka Tirsigiisu yahay 1267 oo ay Kenya uga dan lahayd inay ku xayirto kulana wareegto hantida ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo lagu suntayo argagaxisnimo.
Xukuumadda Kenya waxay qaadday jid kasta oo ay ku carqaladaynayso habsami u socodka dacwadda, isla markaana ay ku dooneyso in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeena iyadoo ka dhex bilawday Ururrada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo heer Caalamiba hagardaamooyin lagaga been sheegayo dowladnimada Soomaaliyeed iyo halganka xaqa ah ee aynu ugu jirnay difaaca baddeenna, annagoo u marayna dhabbaha cadaaladda iyo xaqsoorka ee ay dunidu ku mideysan tahay.
Kaddib markii aan ka dhega-adaygnay cadaadisyadaas caalamiga ah, wuxuu hoggaanka Kenya bilaabay inuu toos u farageliyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka iyagoo afduubtay hanaanka doorashada Jubaland, arrinkaas oo ay ka gilgisheen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta deegaanadaas.
Waxaan garawsannahay in talaabooyinkaas gurracan ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya ay u qaateen madaxda Kenya si Madaxda Soomaaliyeed ay fuliyaan danahooda iyo damacooda ku wajahan boobka badda Soomaaliyeed, iyaga oo marar badan si aan gabasho lahayn noogu xaqiijiyay inay si buuxda noogala shaqeynayaa hagaajinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubaland haddii aan ka tanaasulno dacwadda.
Shacabka Sooomaaliyeed ee sharafta leh,
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenana marnaba nama siinayo inaan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo kursi oo muddo xileedkiisu kooban yahay.
Waxaannu door-bidnay in aanan marnaba qaadanaynin gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobonnimo gaajo leh. Talaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh,
Waxaa marag ma doonto ah in cadaadiska iyo faragelinta qaawan ee hoggaanka Kenya aysan ku koobnayn Dowlad Goboleedyada dalka oo keliya, balse waxa ay marar badan si bareer ah isugu dayeen inay khilaaf iyo caqabado ka dhex abuuraan hoggaanka dalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, waxay caddaynaysaa inay u hoggaansamayso go’aanka maxakamadda, annaga oo ka rajaynayna Dowladda Kenya inay ilaaliso sarraynta sharciga caalamiga ah, ayna iska ilowdo damaceeda ku salaysan marin habaabinta iyo boor isku qarinta, taas beddelkeedana ay go’aanka maxkamadda u aragto fursad lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee deriska ah.
Somalia inay Kenya deris la noqoto ma dooran ee ALLAHA Awoodda ayaa qadaray waana isku qasban nahay inaan nabad iyo daris wanaag kuwada noolaano. Somaliyana taas ayaa weligeed ka go’nayd, haddana soo dhawaynaynaa.
Shacabka Kenya waa shacab wanaagsan oo nabadda jecel, waxaana ka rajaynaynaa hoggaankooda inay mudnaanta siiyaan sidii gobolku u noqon lahaa meel nabdoon oo barwaaqo ah, shucuubtiisuna ay si wadajir ah u baadi goobaan mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo sooran loo dhan yahay.
Maadaama Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ay go’aan meelmar ah ka soo saartay Qaddiyaddii xuddunta u ahayd khilaafka labada dal, waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojinaysaa nabad ku wada noolaanshaha iyo wax wada qabsiga labada dal iyo dad, iyadoo meel looga soo wada jeensanayo Argagixisada duullaanka ku ah xasiloonida iyo amniga gobolka.
Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh,
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed sidii geesinnimada iyo hagar la’aanta lahayd ee ay u garab istaageen dowladdooda muddadii ay socotay dacwaddu, iyagoo aan u kala harin difaaca qaddiyaddan.
Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.
Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka.
Soomaaliya ha guulaysato. Soomaaliya ha waarto. Wabillaahi Al-Towfiiq.