Kulankan oo ku saabsanaa kaalinta Haweenka ee nabad dhisidda Galmudug ayna soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka Galmudug ayay ka wada qayb galeen haween isugu jira kuwa xilal ka haya dowladda federaalka, ururada bulshada rayadka, Mas’uul hore iyo odayaasha dhaqanka ku sugan Dhuusamareeb.
Haweenka ka qayb galay kulanka ayaa odayaasha la wadaagey sida ay qayb kaga yihiin dadaallada lagu nabadeynayo Galmudug, iyagoo si gaar ah u xusay in ay u duubteen xal u helidda xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka soo cusboonaadey Guriceel oo ay odayaasha ka dalbadeen in ay gacan ku siiyaan adkeynta dadaalkooda bilawga ah, si looga baaqsado gacan ka hadal dhexmara Galmudug iyo Ahlusunna.
Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Galmudug ayaa ugu dambeyn amaantey doorka haweenka ka yimid Muqdisho ee ka qayb qaadanaya nabad dhisidda Galmudug.