Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta qabsoomay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta qabsoomay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horrayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan ee Jubbaland kamid ah, iyadoo Wasaaradda ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

February 5, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

February 5, 2026

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow saddex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Juba.

Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubbaland, iyadoo qeybta ugu horraysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Saraakiil ka socday Arrimaha Dibadda Mareykanka

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

February 5, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

February 5, 2026
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda JFS...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
0

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026:  — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In