Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo toddobaadkan looga hadlay Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah iyo mashaariicda, dar-dargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19, arrimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa isaga iyo Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda...












