Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud oo qaabilay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud oo qaabilay wafdi ka socday Bangiga Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Bangiga Addunka oo kormeer iyo indha indhayn ugu yimid Wasaaradda Hawlaha Guud, iyada oo uu soo dhammaaday wajiga 1aad ee Mashruuca Surp I hadana uu bilawday wajigiisii 2aad oo kasocda dhammaan dowlad goboleedyada dalka qaybna ka ah mashaariicda dib u dhiska dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Eng. Maxamed Yariisow, Agaasimaha Mashaariicda C/laahi Fariimoos iyo Saraakiil kale oo mashruuca gacanta ku haya.

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Wafdiga ka socday Bangiga Adduunka ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku ammaanay sida hufnaanta leh ee ay Wasaaraddu u hogaaminayso mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa uga mahad celiyey Bangiga Adduunka garab istaagooda dib u dhiska Dalka.

Ugu dambayntii labada dhinac ayaa isku afgartay in la dardar galiyo Mashruuca surp II si uu ugu soo dhamaado waqtigii loogu tala galay.

Previous Post

Kilan looga hadlayay Daryeelka Caafimaadka carruurta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Kulan ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka heysta deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka heysta deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka heysta deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In