Waxaa si heersara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qeybgalay goโaankii Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ oo uu Hogaaminayay Raโiisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Soo dhaweeynta Wafdigann ayaa waxaa ka qeeyb galay Masโuuliyiin ay ka mid ahayeen Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Dhamaan masโuulyiintii ka hadashay soo dhaweynta Wafdigaan ayaa ugu horeyn bogaadiyay goโaanka Maxkamada, iyaga oo u Mahadceliyay dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay dadaaladii lagu bixiyay sidii ay ย Soomaaliya u heli laheyd dhul-badeedkeeda ay muranka gelisay Kenya.




















