war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxeynaha Dowlad gobaleedka Galmud ayaa lagu yiri: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Markuu Arkay: Qodobka 50-aad farqaddiisa 5-aad, ee Dastuurka Galmudug; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose,
Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose, Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM, Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan.
Guddigan ayaa waxaa hoggaamin doona Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.
Qodobka 1aad.
1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)
2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
4.Cabdiwali C/llahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
6.Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta
7.Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska
8.Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada
10.Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
- Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha Qodobka 2aad.
- Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan waajibaadkooda shago.
Qodobka 3aad.
- Xeerkan wuxuu dhagan galayaa marka uu saxiiixo Madaxweynaha waana saxiixay.