Horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka Al-shabab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad CXDS
Maxamed Kuulow Ali waxa uu ka mid ahaa Horjoogiyaasha sare ee Nabadiidka Alshabab , waxa uuna kooxda Alshabab ku jirey mudo 1sano isagoo ka soo howlgaley tuulooyin iyo deegano hoos imaada Gobolka Bokool.
Horjooge Maxamed Kuulow ayaa Sheegey in uu la Kulmeyey amiirada sare ee Kooxda Nabadiidka Alshabab, wuxuuna Ka sheekeyey Dhacdooyinkii foosha xumaa ee nabadiika Alshabab ay kula dhaqmeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmey.
Dhanka Kale wuxuu saaxibadiisa ku jira kooxda nabadiidka Al-shabab ugu baaqey in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.