Wada-tashiga oo socday muddo saddex cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyacda xalka waara ee dowlad gobaleedka Galmudug, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo wixii la mid ah sidii wax looga qaban lahaa .
Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Galmudug mudane Cumar Xasan Maxamuud ayaa yiri “Waxaan rajaynaynaa in Wasaaradda qorshaynta Qaranka ay ka timaado hal-abuuro dheeraad ah sida Istaraatiijiyadda xalka waara, taas oo la hordhigo deeq bixiyayaasha si ay ugu taageeraan wixii maaliyad ah ee lagu fulin karo. Waxaa sharaf noo ah muddadii saddexda beri ahayd diyaarinta qorshe hawleedku socday in aad arrimo mudnaano gaar ah leh aad ugu darteen qorshe hawleedka xalka waara ee dowlad goboleedka Galmudug 2022”.
Agaasmaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug Cabdullaahi Cumar Sakiin ayaa sheegay in howl ballaaran la qabtay oo wax ku ool u ah deegannada Maamulka Galmudug, taasoo ah sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka kala duwan loona maareyn lahaa waxyaabaha keena barakaca iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameyay barakaca ka dowlad gobaleedka, ahaan ayaan diyaarinay oo ah qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara.
“Qorshaha xalka waara ee saddexdii cisho ee la diyaariyey waxa uu kaalin fiican ka qaadan doonaa sidii loo dhisi lahaa nolosha aas aasiga ah ee qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxaa aan rajaynaynaa marka uu dhamaado diyaarinta qorshe hawleedkaan in dib loogu soo celin doono saraakiisha Dowlad goboleedka Galmudu ee wax ka diyaariyey Qorshahaan” Ayuu yari Agaasime Sakiin
Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaantay in dadaal dheer la galiyay diyaarinta Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraatijiyadda Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.
“Qorshahaan waxa uu noqon doona mid xal waara loogu helo qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan dowlad goboleedka Galmudug. Qorshahaan sanad laha ah waxa uu qayb ka qaadan doonaa in isku filnaansho ay dhinac walba ah ay gaaraan dadka soo barakacay iyo qaxootiga sidoo kale. Qorshaha marka la dhameeyo diyaarintiisa waxaa dib loogu soo celin doonnaa dowlad goboleedka Galmudug si loogu sameeyo ansixin looguna hawlgalo fulintiisa.” Ayey tari Agaasime Sahra Cabdi.
Ugu dambeyntii wada-tashiga ka socday magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soo baxay qorshe howleedka Xalka Waara Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo ay ka dhalan doonaan mashaariic wax looga qabanayo dadka uu saameynta ku yeeshay barakaca daba dheeraaday.