Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee Galmudug oo la soo gaba gabeeyay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee Galmudug oo la soo gaba gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada-tashiga oo socday muddo saddex cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyacda xalka waara ee dowlad gobaleedka Galmudug, iyadoo ay ka qeyb  galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha  iyo wixii la mid ah sidii wax looga qaban lahaa .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta  musiibooyinka  ee Galmudug mudane Cumar Xasan Maxamuud ayaa yiri “Waxaan rajaynaynaa in Wasaaradda qorshaynta Qaranka ay ka timaado hal-abuuro dheeraad ah sida Istaraatiijiyadda xalka waara, taas oo la hordhigo deeq bixiyayaasha si ay ugu taageeraan wixii maaliyad ah ee lagu fulin karo. Waxaa sharaf noo ah muddadii saddexda beri ahayd diyaarinta qorshe hawleedku socday in aad arrimo mudnaano gaar ah leh aad ugu darteen qorshe hawleedka xalka waara ee dowlad goboleedka Galmudug 2022”.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Agaasmaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug  Cabdullaahi  Cumar  Sakiin ayaa sheegay in  howl ballaaran la qabtay oo wax ku ool u ah deegannada Maamulka Galmudug, taasoo ah sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka kala duwan loona maareyn lahaa waxyaabaha keena barakaca iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameyay barakaca ka dowlad gobaleedka, ahaan ayaan diyaarinay oo ah qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara.

“Qorshaha xalka waara ee saddexdii cisho ee la diyaariyey waxa uu kaalin fiican ka qaadan doonaa sidii loo dhisi lahaa nolosha aas aasiga ah ee qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxaa aan rajaynaynaa marka uu dhamaado diyaarinta qorshe hawleedkaan in dib loogu soo celin doono saraakiisha Dowlad goboleedka Galmudu ee wax ka diyaariyey Qorshahaan” Ayuu yari Agaasime Sakiin

Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaarada Qorsheynta Qaranka  ayaa tilmaantay in dadaal dheer la galiyay diyaarinta Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraatijiyadda Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

“Qorshahaan waxa uu noqon doona mid xal waara loogu helo qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan dowlad goboleedka Galmudug. Qorshahaan sanad laha ah waxa uu qayb ka qaadan doonaa in isku filnaansho ay dhinac walba ah ay gaaraan dadka soo barakacay iyo qaxootiga sidoo kale. Qorshaha marka la dhameeyo diyaarintiisa waxaa dib loogu soo celin doonnaa dowlad goboleedka Galmudug si loogu sameeyo ansixin looguna hawlgalo fulintiisa.” Ayey tari Agaasime Sahra Cabdi.

Ugu dambeyntii wada-tashiga ka socday magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soo  baxay qorshe howleedka Xalka Waara Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas  oo ay ka dhalan doonaan mashaariic wax looga qabanayo dadka uu saameynta ku yeeshay barakaca  daba  dheeraaday.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo kulan la qaatay ku-xigeenka Hay’adda UNOCHA “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Wasiirka Gaadiidka oo booqday Buundada liiq-liiqato oo dayactir lagu sameeyay “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In