Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furtay ololaha 9aad ee daweynta Isku-furanka Haweenka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furtay ololaha 9aad ee daweynta Isku-furanka Haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa daahfurtay Ololaha Sagaalaad ee Daaweynta Isku-furanka Haweenka oo Isbitaalka degmada Dayniile ay ka fulin doonaan dhakhaatiir u dhashay dalka Sudan.

Safarka Samafal ee dhaqaatiirtan oo u dhashay dalka Sudan, kuna taqasusay qaliimada isku-furanka haweenka, ayaa ka soo biloowday dalka Sudan, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuso dhaweeyay ma’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Madaxda Hey’adda PAC oo fulinta mashruucan mas’uul ka ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Soo dhaweynta kadib Wafdiga dhaqaatiirta ayaa xaruunta Wasaaradda Caafimaadka kulan kula qaatay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ay ka wada hadleen qaabka loo fulin doono qalinka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay In loo baahanyahay In la helo xalwaara oo looga hortagayo isku furanka oo dhibaato aan la koobi karin ku haya dumarka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hey’adda PAC ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in ololaha Sagaalaad ee daaweynta xanuunka dhibaatada haweenka ku haya ee isku-furanka ay ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad laba boqol oo bukaan.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ubax Faarax Axmed ayaa xustay inay ka Wasaarad ahaan ka go’antahay sidii looga hortagi lahaa xanuunkan oo ay sheegtay inuu u baahanyahay in haweenka laga wacyigeliyo.

Madaxa dhaqaatiirta ka timd dalka Sudan Professor Aadan Saalax Maxamadeyn ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,, wuxuuna sheegay inay halkan u yimaadeyn inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Intaa kadib dhakhaatiirta iyo mas’uuliyiinta kale ayaa gaaray Isbitaalka Dayniile, halkaas oo loogu sameeyay munaasabad kooban oo soo dhaweyna, dhakhaatiirta ayaana saacado kooban kadib bilaabay qaliimada iyo la tacaalidda bukaanadii ugu horeeyay ee la dhibaatoonayey xanuunka Isku-furanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Sweden

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay boos ka dhinaa kuraasta Aqalka Sare

Next Post
Akhriso: Nuxurka Khudbadaha Ay Madaxda Maamul Goboleedyada Ka Jeediyeen Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay boos ka dhinaa kuraasta Aqalka Sare

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In