Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Shirkadda facebook oo qorsheyneysaa in ay magaceeda badasho usbuuca soo socda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Maqaallo
0
Shirkadda facebook oo qorsheyneysaa in ay magaceeda badasho usbuuca soo socda

Facebook logo is seen displayed on a phone screen in this illustration photo taken in Poland on November 29, 2020. (Photo illustration by Jakub Porzycki/NurPhoto via Getty Images)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida  websit-ka the Verge uu maalintii talaadada ka soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo xogogaal u ah Shirkadda facebook oo ah mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee xiriirka bulshada ayaa qorsheyneysa in ay magaca bedalato usbuuca soo socda.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Maamulaha ugu sareeya shirkadda Mark Zusckerberg, ayaa qorsheynaya in uu arinka magac badalista kaga hadlo’Conect’ oo ah shirka sanadlaha ah ee shirkada facebook, oo 28 oktoobar ku beegan. Inkasta oo website-ka Verge uu  sheegtay in laga yaabo in go’aanka magac badalashadu ka soo hormari karo xilligaas.

Iyada oo laga codsaday shirkada in ay ka warbixiso  arikaan, ayaa waxa sheegtay in aaney faallo ka bixin karin waxyaabo saadaal ah.

Warkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli beryihii dambe shirkadu cadaadis xooggan kala kulmeysay dowlada Mareykanka, sidoo kale labada gole ee sharci dajinta dalka mareykanka ayaa iyaguna ku kacsan shirkada facebook.

Shirkada facebooka ayaa waxa ay noqoneysaa mid ka mid ah shirkadaha waaweeyn ee adeegyo badan hoos yimaadaan ayadoo hal meel laga wada isticmaalayo sida ; whatsApp iyo instegram.

Ma ahan magac badalashadu arin ku cusub shirkadaha technolog-iyada waaweeyn ee ku bahoobay magaca Silicon Valley, maxaa yeelay ganacsigooda ayaa ku xiran is ballaarinta. Tusaale ahaan shirkadda google waxa ay 2015tii , aasaastay shirkada Alphabet Inc oo markii hore sida google u shaqeyneysay, waxa ayna heerar badan iyo magacyo badan oo ay soo martay mudadaas maanta tahay shirkad hoos timaada google oo iyadu bixisa adeega internetka.

Shirkadda facebook ayaa loo maleynayaa sababta ay magaca u badalaneyso in ay tahay, in ay ku hamineyso waxa ay ugu magac dartay Meta Verse oo uu ku doonayo in uu macaamiishiisa 3dexda bilyan gaareysa isu keeno, ayaga oo isticmaalaya adeegyo kala duwan oo baraha bulshada ah, iyo waliba aalado kala duwan.

Websitka Verge , ayaa sheegay in magaca loo badinayo in ay shirkadda facebook u guurto uu noqon karo Horizon, maxaa yeelay shirkadu waxa ay dhowaan magacaa Horizon World bedeshay qeyb facebook ay leedahay oo games ka u gaar ah.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee la doortay

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dardargelinta howlaha horyaalla “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dardargelinta howlaha horyaalla “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dardargelinta howlaha horyaalla “SAWIRRO”

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In