Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Magacaabista Wasiiru dowlaha ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo lagu soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru dowlaha u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.