Jaamacadda Somaville oo ka mid ah Jaamacaddaha ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa hirgelisay Maktabad aad u weyn, waxaana ka qeybgalay munaasabadda lagu furayay Maamulka Sare ee Jaamacadda , Xildhibaanno , masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada, arday iyo marti sharaf kale.
Buugta xambaaarsan cilmiga noocyadiisa kala duwan iyo taariikhda ayaa ku keydsan Maktabadda waxaana ardayda ay ka faa’iideysan doonaan in ay u kaashadaan cilmiga ay baranayaan, ayada oo sido kale dhiirigelin u yahay akhriska iyo qoraalka ardayda.
Dr Cabdinuur Sheekh Axmed Caraay Guddoomiyaha Jaamacadda Somaville oo furitaanka Maktabadda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan uu ka badalayo kobaca aqoonta ay Jaamacadda u gudbineyso Ardayda, asaga oo ugu tusaaleeyay faa”idada ay ardayda u leedahay in ay helaan Maktabadaan oo kale.
Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maamulka Jaamacadda ku bogaadiyay in ay hirgaliyeen Maktabad qiimo badan u leh bahda Waxbarashada .
Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa tilmaamtay in muhimad gaar ah leedahay Maktabadaan oo ay dabooleyso baahiyaha ardayda isla markaana door weyn ay ka cayaareyso akhriska iyo qqoraalka.
Qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadda Somaville ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida maamulka Jaamacadda mar walba uga fakareyso daboolidda baahiyaha Ardayda.