Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Soo Agaasimay Kulan deg deg ah oo Ku Saabsan Abaaraha ka jira Dalka

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Soo Agaasimay Kulan deg deg ah oo Ku Saabsan Abaaraha ka jira Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka binu-aadantinimo ee ka howl-gala dalka ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan ee ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Kulanka ayaa si wadajir  ah u bogaadiyay dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Inta uu socday kulanku, Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah deegaannada ay sida ba’an u  saameyeen  Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaatay in la dardargaliyo lana xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo Nolosha dadka tabaalaysan, iyagoona isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobolleed “SAWIRRO”

Next Post

Howl galkii  ka socday Guriceel oo la soo afjaray

Next Post
Howl galkii  ka socday Guriceel oo la soo afjaray

Howl galkii  ka socday Guriceel oo la soo afjaray

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In