Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XFS oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba Agaasime iyo guddi heer Wasiirro ah

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
XFS oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba Agaasime iyo guddi heer Wasiirro ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka., waxa ayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii Hore ee Hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.halka ay sidoo kale ansixiyeen guddoonka haya’ada batroolka soomaaliyeed Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS isaga oo tixraacaya go’aankii Xeer Madaxweyne ee ku aadanaa ku Takri-falka iyo Masuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilligan doorashada oo uu saaray Madaxweynaha JFS  27 Oktoobar 2021 ayaa waxa uu magacaabay guddi heer Wasiir ah oo qaabilsan ilaalinta iyo ka hortagga in la masuqmaasuqo dhulalka danti guud, waxana xubnaha guddigaas ay kala yihiin

Wasiirka A/Gudaha iyo Dib u Hishiinta   Mukhtaar Xusen  Afrax  Guddoomiye

Wasiirka Cadaaladda    C/qaadir Maxamed Nuur   Xubin

Wasiirka Amniga Gudaha    C/laahi Maxamed Nuur               Xubin

Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare  C/laahi  Abiikar X. Xubin

Previous Post

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xusaya maalinta caasimadaha

Next Post

Sawirro: RW Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhaceyso doorashada BF ee G/Waqooyi

Next Post
Sawirro: RW Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhaceyso doorashada BF ee G/Waqooyi

Sawirro: RW Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhaceyso doorashada BF ee G/Waqooyi

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya,...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In