Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xusaya maalinta caasimadaha

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
October 31, 2021
in Uncategorized
0
Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xusaya maalinta caasimadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 31-ka Oktoobar u aqoonsaday maalinta magaalooyinka adduunka,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka.

Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68/239, ayaa waxa ay  ka dhigan tahay in magaalooyinka ay yihiin kuwo suurtaalin kara qaabab cusub oo is dhexgal bulsho ah,taas oo ay ku jiraan  helitaanka adeegyada lagama maarmaanka ah,abuuritaank fursado cusub, iyo ka-qaybgalka maalgashiga caasimadaha.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Ujeedada loo asteeyay maalinta caasimadaha ayaa ah in la muujiyo horumarka caasimadaha iyo in magaalooyinka iyo degmooyinka ay yihiin kuwo dadku ay u  dhan yihiin, badbaado leh oo suurtagalin kara nolol waarta.

Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2015-kii go’aamisay in labaatanka sano ee soo socda la dejiyo ajeendo ah sidii loola tacaali lahaa caqabadaha soo wajaha magaalooyinka,ka dib markii 193 dal oo caalamka ah ay isku raaceen tallaabadaasi.

Haddaba,caasimadda dalka Soomaaliya,waxa ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo in sanadihii u dambeeyay ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ku yimid  hiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ifaya.

Maadaama caasimadda Soomaaliya ay tahay mid xarun  ah oo ay  ku howlgalaan dowaladda Federaalka,waxaa qasab ah in laga shaqeeyo horumarkeeda,isla markaana maamulka  Gobolka Banaadir uu la yimaado qorshe cad oo muuqaalka Muqdisho ka dhigaya mid la saanqaadi karaa- caasimadaha dunida.

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay Joe Biden

Next Post

XFS oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba Agaasime iyo guddi heer Wasiirro ah

Next Post
XFS oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba Agaasime iyo guddi heer Wasiirro ah

XFS oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba Agaasime iyo guddi heer Wasiirro ah

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In