Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda kusoo rogtay Xaalad deg deg ah, kadib Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda ayaa laga soo saaray go’aankan iyadoo sabab looga dhigay xaaladdaha dagaal ee uu Dalka galay.
War-murtiyeed xalay goor dambeka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiye ayaa lagu yiri “Xilligan dalka waxaa isu biirsaday dhibaatoyin badan oo laga yaabo in ay saameeyso inta badan muwaadiniinta, sidaa awgeed dalka waxuu galay xaalad degdega ah, si xal loogu hello arrimaha ka taagan”.
Dalka Itoobiya ayaa muddooyinkii u danbeeyay waxaa ka taagnaa colaado daba dheraaday oo u dhaxeeyay qaar kamid ah Qowmiyadaha Itoobiya iyo Xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiya Axmed.