Wafdi ka socday Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka 16-aad ee Hey’adda horumarinta halbeegyada iyo jaangoynta waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo sanadkan ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya kaga qeyb galay shirkan ayaa waxaa hoggaaminayay maareeyaha guud ee Hey’adda Tayo dhawrka Soomaaliya mudane Aadan Barre Xasan.
Shirka ayaa lagaga dooday arrimo badan oo muhiimad u leh siyaasadda guud ee Hey’adda horumarinta halbeegyada iyo jaangoynta waddamada islaamka, oo ay ka mid ahayeen waxqabadkii Xoghaynta Guud ee Hey’adda, ka doodista iyo ansixinta xisaab xirka sannadkii hore iyo miisaaniyada sanadka soo socda.