Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo faahfaahin ka bixiyay sababta dalka looga ceyrinayo Simon Mulongo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la magacaabay Maxamed Cabdirisaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dalka looga ceyrinayo ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniin dhowr ah;, balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

“Wax ka baxsan howlihiisa gaarka ah ayuu fara la galay, waana mid ka baxsan heshiiska uu dalka ku joogay, sidaas ayaana keentay inaan dalka ka erino”. Ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya aysan u ogoleyn diblomaasiyiinta inay iska sameystaan wax iyaga u gaar ah oo baal marsan heshiiska ay dalka ku joogaan, isla markaana aysan waxba u dhimeynin cilaaqaadka ay dowladdu la leedahay Ururada caalamiga ah.

“Qaranimadeena, qabkeena, iyo dowladnimadeena waxaa sharaf u ah, in Soomaalidu ugu dambeys ay iyagu mas’uul ka noqoto amnigeeda”. Ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxay xayeysiineysaa shaqada Shan Boos

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In