Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Aqoon iswaydaarsi ku saabsan Warbixnta horumarinta dhaqaalaha baluugga oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 10, 2021
in Afrika, Wararka
0
Aqoon iswaydaarsi ku saabsan Warbixnta horumarinta dhaqaalaha baluugga oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo Urur gobaleedka IGAD ayaa maanta Muqdisho ka daah- furay kulan aqoon –iswaydaarsi looga hadlayo warbixnta horumarinta dhaqaalaha baluugga.

Kulanka ayaa socon doona muddo labo cisha ah, iyada oo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah Wasaaradaha dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay khusayso horumairmta dhaqaalaha baluugga (Blue Economy),  waxaana si qoto dheer looga hadlayaa ansixinta Qaran ee warbxinta qiimeynta Aas-aasiga ah ee ka qayb qaadashada horumarunta dhaqaalaha waara ee Soomaaliya, si ay ugu biiriso Soomaaliya waxyaabaha kaga aaddan dhaqaalaha baluugga.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025

Maxay tahay  Soomaaliya in ay ugu qeyb qaadato Blue economy, waa in la sameeyo siyaasado iyo shuruuc la xariira halbeegyada ku xusuan  horumairnta dhaqaalaha waara ee Blue Economy, inta uu socdo qoon-isweedaarsiga, waxaa lagu gorfeyn doonaa talaabooyinka ku haboon ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd dadaalada ka socda Geeska Afrika ee ku aaddan Blue economy.

Agaasime ku xigeenka Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Maxamed Salaad ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay warbxinta guud ee blue Economy.

“Wasaaradaha ay quseyso blue economy in aragtidooda ay ku biirayaa doorka Soomaaliya si aan qeyb uga noqono warbxinta guud ee laga diyaarinayo geeska Afrika, makra aan u aragno warbxin Qaran oo  waxtar u leh dalkeennu si door shariif ah aan uga qaadano horumarka ka socda geeska afrika” ayuu yari Cabdi Nuur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in Aqoon-isweedarsiga labada cisho lagu falanqaynayo  istaraajiyadda Soomaaliya kaga aadan Blue Ecomy.

“In Soomaaliya ay ka leedahay blue economy qaab hadafyo waa weyn oo ku dhisan  Istaraajiyad leh qaab dhismeed wanaagsan, maamada ay leedahay xeebta ugu dheer dalalka Afrika, waxa labada maalin aan jooga ka hadli doonaa fursada dalkeenu kaga aadan Blue Economy, ugu dambayn waxaan soo saari doona warbixnta Soomaaliya ee dhaqaalaha baluugga ee (Blue Economy), sidoo kale ka dowlad ahaan dadaalkeenna inaan xoojino si aan qeyb muhiim ah ugu qaadan lahayn si Qarankeennu fursaddaa uga faa’idaysto,  marka waxaad ku biirn kartaan inaad ku biirisaan kulanka ayaa muhiim ah”. Ayuu yari Agaasime Maxamed Cabdulqaadir.

Isku duwaha Uur gobaleedka IGAD geeska Afrika ee Blue Economy, Dr Eshete ayaa ka warbxiyay fursadaha ay kaga faa’iideysan karto horumarimta dhaqaalaha waara ee Blue Economy.

“Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu ballaaran Qaaradda Afrika, waxaana Alle ugu deeqay kheyraad kala duwan oo dhanka biyaha ah. Khayraadkan ayaa ah mid aan laga faa’iidaysan oo haddii si wanaagsan loo maamulo waxa ay ka qayb qaadanaysaa sugnaanta cuntada/nafaqada iyo kobaca dhaqaalaha, Si kastaba ha ahaatee, kheyraadka waxaa khatar ku ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ee aan la soo sheegin iyo kuwa aan sharciyadda lahayn (IUU). Habka Dhaqaalaha Buluugga ah wuxuu fure u noqon doonaa Soomaaliya si loo horumariyo dhaqaale iyo deegaan waara.” – Dr. Eshete, B.E. Isku duwaha, oo ku hadlayay magaca IGAD Xoghayaha Guud ee Urur gobaleedka IGAD. Dr Workneh Gebeyehu.

Ugu  dambayn  kulanka ayaa waxaa laga soo saari doonaa maalinta berri ah warbxinta qiimeynta aas-aasiga ah ee ka qayb qaadashada dhaqaalaha buluugga ah (Blue economy)  ee horumarunta dhaqaalaha waara ee Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay  madax ka socotay Qaramada Midoobay

Next Post

Samo Sheeg 10-11-2021

Next Post
Sama Sheeg 02-11-2021

Samo Sheeg 10-11-2021

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In