Friday, October 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Agabka lagu qabto doorashada oo maanta la geeyey Beledweyne

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Agabka lagu qabto doorashada oo maanta la geeyey Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta la geeyey qalabka loogu tala galay qabashada doorashooyinka dalka, xilli lagu wado in magaaladaas lagu qabto doorashada qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay HirShabeelle.

Duqa magaalada Beladweyne Nadar Tabaax Maalin iyo saraakiisha ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne xubnihii waday qalabkaas kala wareegay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

October 30, 2025

Marwo Nadar Maalin oo goobtii ay kula wareegeen qalabkaas warbaahinta kula hadashay ayaa tilmaantay muhiimada ay leedahay in kuraasta xildhibaanada golaha shacabka doorashadoodu ay ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Nadar ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka reer Hiiraan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa dadka qeyb gelaya doorashada lagu qaban doono magaalada Beledweyne.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ay ka bilaawdaan magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka, waxaana todobaadkaan gudihiisa Muqdisho lagu qabanayaa doorashada 9-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobollada waqooyi ee dalka.

Previous Post

Sama Sheekh 15-11-2021

Next Post

Wasaarada Qorsheynta XFS oo shir looga hadlayo Istaraatiijiyada Qaran ee 2021-2022 ka furtay Kismaayo

Next Post
Wasaarada Qorsheynta XFS oo shir looga hadlayo Istaraatiijiyada Qaran ee 2021-2022 ka furtay Kismaayo

Wasaarada Qorsheynta XFS oo shir looga hadlayo Istaraatiijiyada Qaran ee 2021-2022 ka furtay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

October 30, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

October 30, 2025
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran...

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

October 30, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi lagu ansixiyay: - Xeerka Qoondada Miisaaniyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In