Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka shaqeynaya u gurmashada dadka la il-daran abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal wasaaraha XFS oo Wasiirka amniga uga tacsiyeeyay geerida Hooyadii Xabiiba Cariif Weydow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmashada dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meelo badan oo waddanka ah.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheeegay in guddiga ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad beni’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaaraha dalka ku dhuftay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Shirka oo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana laga hadlay xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah Gobollada dalka, iyadoo warbixin laga dhageystay Wasiirka Gargaarka Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka shaqeyn doono sidii kaalmo deg deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay abaartu saameysay, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay caawiyaan Walaalahood ay abaartu saameysay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulamo la qaato ganacsatada iyo culimada, si ay gacan uga geystaan u gurmashada dadka abaaraha halakeeyeen.

Previous Post

Agabka ka hortagga COVID-19 oo la gaarsiiyay xarumo ku yaala Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In