Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir ayaa sheegtay maanta in konton booyadood oo biyo ah ay ugu deeqday dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateeysan deegaanada gobalka Mudug kadib kulan maanta ay la qaadatay Odayaasha dhaqanka gobalka Mudug sidoo kalana ay ka qeyb galeen xubno katirsangolaha wasiirada Galmudug iyo Mas’uuliyiinta maamulka degmada Gaalkacyo.
Saynab Maxamuud Warsame ayaana kulanka kasheegtay gurmadka iyadoona ka codsatay Odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay in biyo dhaaminta deg deg ah loo bilaabo iyadoona ka tacsiyeysay geeridii xanuunka badneyd ee ay arxan laawayaasha ku dileen Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guulleed Afrika oo ay xustay inuu ahaa tiir ka baxay Qaranka.
Xubnihii dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa iyaguna dhankooda ka duceeyay deeqda biyodhaaminta ah.
Ugu danbeyna maayar ku xigeenka degmada Gaalkacyo Injineer Maxamed Cabdi Cilmi iyo wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa kulanka soo xiray.