Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo shirka wada-tashiga ku soo gabo gabeysay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo shirka wada-tashiga ku soo gabo gabeysay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Magaalada Baydhabo ku soo gaba-gabeeysay Shirka wadatshiga qorshe howleedka Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Koonfur galbeed.

Wada-tashiga oo socday muddo shan cisho ah ayaa ujeeddadiisa ahaa diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Mustaf Cabdullaahi iyo Faadumo Cabdiraxman Cali oo ah xubnahii ka qeybgalay Watashiga ayaa ka warbxiyay waxyaabaha looga hadlay, waxa ay ka faa;iideystan dhankooda inta uu socday

“Waxaan wax weyn inaa helnay tabababar la xiirara wax uu yahay xalka waara iyo qaabka loo diyaariyo qorshe howleed uga dambayna wax weyn ku darsanay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladd gobaleedka Koofuur galbeedka sidii wax looga qaban lahaa bulshada ku nugal ee xeryaha barakaca uu saameyay”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanahay in howshan si wannaagsan kusoo dhamaatay ka maamul ahaana ay diyaar u yahiin dar-dargalinta qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara kaas oo muhiim inoo ah.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa faah-faahisay natiijada kasoo baxay wadatashiga maalmahan ka socday maamul gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Waxaan ku guulaysanay in aan diyaarinoqorshe hawleed sanad ah oo wax looga qaban doono xaaladda Baraka ee dowlad goboleedka KoonfurGalbeed, ayadoo bulshadaas laga dhisayo dhinacyada nolol maalmeedka, u adkaysiga musiibooyinka,nolol iyo xirfadaha. Ka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ahaan waxaan ku dedaalaynaa sidii loo fulinlahaa qorshaha ay dejisteen maamulku looguna raadin lahaa kharashaadkii lagu fulin lahaa qorshaha” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo noqayso dowladd gobaleedkii 4aad ee la diyaariyo qorshe howleedkan, kaas oo wax weyn ka tarayo in xal waara laga gaaro barkacan saameynta weyn ku leh dalkeenna si loo xaqiijiyo hurmaro waa wayn.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo gunnooyinkooda billaha ah 20% ugu deeqay dadka ay abaartu saameysay

Next Post

Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen “SAWIRRO”

Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In