Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo shirka wada-tashiga ku soo gabo gabeysay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 24, 2021
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo shirka wada-tashiga ku soo gabo gabeysay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Magaalada Baydhabo ku soo gaba-gabeeysay Shirka wadatshiga qorshe howleedka Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Koonfur galbeed.

Wada-tashiga oo socday muddo shan cisho ah ayaa ujeeddadiisa ahaa diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025

Mustaf Cabdullaahi iyo Faadumo Cabdiraxman Cali oo ah xubnahii ka qeybgalay Watashiga ayaa ka warbxiyay waxyaabaha looga hadlay, waxa ay ka faa;iideystan dhankooda inta uu socday

“Waxaan wax weyn inaa helnay tabababar la xiirara wax uu yahay xalka waara iyo qaabka loo diyaariyo qorshe howleed uga dambayna wax weyn ku darsanay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladd gobaleedka Koofuur galbeedka sidii wax looga qaban lahaa bulshada ku nugal ee xeryaha barakaca uu saameyay”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanahay in howshan si wannaagsan kusoo dhamaatay ka maamul ahaana ay diyaar u yahiin dar-dargalinta qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara kaas oo muhiim inoo ah.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa faah-faahisay natiijada kasoo baxay wadatashiga maalmahan ka socday maamul gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Waxaan ku guulaysanay in aan diyaarinoqorshe hawleed sanad ah oo wax looga qaban doono xaaladda Baraka ee dowlad goboleedka KoonfurGalbeed, ayadoo bulshadaas laga dhisayo dhinacyada nolol maalmeedka, u adkaysiga musiibooyinka,nolol iyo xirfadaha. Ka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ahaan waxaan ku dedaalaynaa sidii loo fulinlahaa qorshaha ay dejisteen maamulku looguna raadin lahaa kharashaadkii lagu fulin lahaa qorshaha” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo noqayso dowladd gobaleedkii 4aad ee la diyaariyo qorshe howleedkan, kaas oo wax weyn ka tarayo in xal waara laga gaaro barkacan saameynta weyn ku leh dalkeenna si loo xaqiijiyo hurmaro waa wayn.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo gunnooyinkooda billaha ah 20% ugu deeqay dadka ay abaartu saameysay

Next Post

Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen “SAWIRRO”

Maamulka Jaamacadda Somaville oo u dabaal degtay guul ay dhawaan gaareen "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In