Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga iyo Qorshaha Horumarinta Galmudug oo Dhuusamareeb loo agu soo xiray

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
December 7, 2021
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga iyo Qorshaha Horumarinta Galmudug oo Dhuusamareeb loo agu soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Wadatashiga iyo Qorshaha Horumarinta Dowlad-gobaleedka Galmudug ee afarta sano ee soo socota, ayaa maanta lagu soo gaban gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug kadib mudo labo maalmood ah oo wadatashi ay ku yeesheen Galmudug.

Fadhigan oo ay agaasinkeeda laheyd Wasaaradda qorsheynta Galmudug ayay habka fogaan araga kaga qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Baanka Aduunka iyo aqoonyahano, kuwaa oo  dhamaantood bogaadiyay habka loo marayo diyaarinta qorshaha hormarinta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan Macalin Xassan ayaa u sheegay ka qayb galayaasha in muhiimada wadatashigan ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe hormarineed oo qeexaya baahiyaha Galmudug iyo sida ay mudnaanta ukala leeyihiin kuwaa oo sahlaya in deeq bixiyaasha lala wadaago baahidaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug  Cabdullaahi Cumar ayaa ugu dambeyn sheegay in wadatashiyadani sii socon doonaan oo ay si gaar gaar ah ula wadaagi doonaan Wasaaradaha Galmudug, isagoo uga mahad celiyay dhamaan Mas’uuliyiinta kasoo qayb galey shirkan.

Galmudug oo qayb ka ah Dowlada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa ku dadaaleysa sidii loo heli lahaa qorshe dhameystiran oo koobaya baahiyaha Galmudug ka heysta dhamaanba dhinacyada kala duwan ee adeegyada Maamulku bixiyo, iyadoo taasi lagu saleynayo xogta laga uruurinayo Wasaaradda Galmudug.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Italian ambassador condoles Information Ministry over death of Abdiaziz Africa

Next Post
Wasiirka warfaafinta XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Italian ambassador condoles Information Ministry over death of Abdiaziz Africa

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In