Taliska Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay in ay Cutubyo ka mid ah Ciidankooda ku ururiyaan magaaladii ugu dambaysay gobolka Axmaarada oo wali gacanta ugu jirta jabhadda Tigrayga, ka dib markii ay horumarro ka gareen dagaalladii ay la galeen Maleeshiyaadka TPLF.
Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada ay u ruqaansadeen dhanka waqooyi ee magaalada Waldiya, waxaana arrintaani timid kadib markii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, uu labo maalmood ka hor sheegay in ciidamadiisa ay la wareegeen magaalooyinka istiraatiijiga ah, sida magaalooyinka Disi iyo Kombolcha.
Dhanka kale, Taliyaha militariga Itoobiya ee gobolka Showa Ngossi Talahoun ayaa sheegay in noloshu dadka ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabaneeyso deegaanadii dib loogala wareegay gacan ku heynta TPLF.
Dagaallada ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah Itoobiya inkastoo ay jiraan digniino ku aaddan xaalado bini’aadanimo oo ka sii daraya.
Colaadaha ka jira Itoobiya ayaa qarxay bishii November ee sanadkii 2020, ka dib markii Jabhadda Tigrayga ay soo weerareen xeryo ciidamada Fedaraalka ay ku lahayeen magaalada Mekele, ee caasimadda gobolka Tigray