Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka oo daahfuray shir muhiim ah oo looga hadlayo khatarta Musiibooyinka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maareynta Musiibooyinka oo daahfuray shir muhiim ah oo looga hadlayo khatarta Musiibooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa maanta daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee yareynta Khataraha Musiibooyinka, kaasi oo ka furmay hoolka shirarka Afisiyooni ee Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Daahfurka Madashan oo looga hadlayo Daraaseynta Yareynta Khataraha Musiibooyinka iyo saameeynta ka hortagga Abaaraha, isbedelka Cimilada, fatahaadaha iyo Anyaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Shaqo wadaagga la ah Wasaaradda ee kala ah Beeraha iyo Caafimaadka, qaar ka mid ah Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo mas’uuliyiin dhinaca maareeynta musiibooyinka ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Mudane Maxamed Abuukar Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa sheegay in shirka uu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga soo soo saaro qodobo muhiim ah.

Madashan oo ah wadatashi ku aadan yareynta Khataraha musiibooyinka ee ku aadan xafladda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay madasha ayaa ka warbixisay saameynta iyo Khataraha musiibooyinka, loona baahanyahay in loo helo xal.

Dhammaadka madashan ayaa laga sugayaa in laga soo saaro warbixin cilmi baaris oo lagu eegayo khataraha Musiibooyinka soo noqnoqday ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada DFS oo gaaray dalka Lubnan

Next Post

Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud “SAWIRRO”

Next Post
Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud “SAWIRRO”

Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud "SAWIRRO"

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In