Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka oo daahfuray shir muhiim ah oo looga hadlayo khatarta Musiibooyinka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maareynta Musiibooyinka oo daahfuray shir muhiim ah oo looga hadlayo khatarta Musiibooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa maanta daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee yareynta Khataraha Musiibooyinka, kaasi oo ka furmay hoolka shirarka Afisiyooni ee Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Daahfurka Madashan oo looga hadlayo Daraaseynta Yareynta Khataraha Musiibooyinka iyo saameeynta ka hortagga Abaaraha, isbedelka Cimilada, fatahaadaha iyo Anyaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Shaqo wadaagga la ah Wasaaradda ee kala ah Beeraha iyo Caafimaadka, qaar ka mid ah Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo mas’uuliyiin dhinaca maareeynta musiibooyinka ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Maxamed Abuukar Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa sheegay in shirka uu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga soo soo saaro qodobo muhiim ah.

Madashan oo ah wadatashi ku aadan yareynta Khataraha musiibooyinka ee ku aadan xafladda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay madasha ayaa ka warbixisay saameynta iyo Khataraha musiibooyinka, loona baahanyahay in loo helo xal.

Dhammaadka madashan ayaa laga sugayaa in laga soo saaro warbixin cilmi baaris oo lagu eegayo khataraha Musiibooyinka soo noqnoqday ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada DFS oo gaaray dalka Lubnan

Next Post

Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud “SAWIRRO”

Next Post
Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud “SAWIRRO”

Bulshada Cadaaado oo lagu wacyigeliyay sidii ay u ilaashan lahaayeen goobaha Danta Guud "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In