Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home English News

Dowladaha caalamka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada Itoobiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in English News
0
Dowladaha caalamka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa maalinta  Jimcaha ah ee nagu soo aadan  kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda cakiran ee ka aloonsan dalka Itoobiya, kadib codsi uga yimid Midowga Yurub.

Codsigan ayaa waxaa taageeray saddex meelood meel ka mid ah 47-da dal ee xubnaha ka ah madashan, iyo sidoo kale kormeerayaal uu ku jiro Mareykanku.

Related posts

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026

Qaraar qabyo ah oo uu soo bandhigay Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xadgudubyada Ka dhanka ah bini’aadan’nimada oo ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya gobolka Tigray ee Itoobiya,  madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ay sheegtay bishii hore in ay noqon karto dembiyo dagaal.

Marka la meelmariyo qaraarka Midowga Yurub waxay Itoobiya u samayn doonaan guddi caalami ah oo khubaro ah oo dhinaca xuquuqul insaanka ah, si ay baaritaan dheeraad ah u sameeyaan, ayna warbixin kasoo celiyaan sannad ka dib.

“Marka la eego xaaladda sii xumaaneysa, waxaan rumeysannahay in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay isku dayaan inay ka hortagaan gabood-fallo kale oo ay xaqiijiyaan isla xisaabtanka iyo cadaaladda dhibanayaasha iyo kuwa badbaaday,” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay Lotte Knudsen, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Qaramada Midoobay ee Geneva.

Previous Post

Wasaaradda Caafimadka Galmudug oo Cadaado kafurtay tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo caafimaad

Next Post

UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

Next Post
UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In