Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home English News

Dowladaha caalamka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada Itoobiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
December 14, 2021
in English News
0
Dowladaha caalamka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa maalinta  Jimcaha ah ee nagu soo aadan  kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda cakiran ee ka aloonsan dalka Itoobiya, kadib codsi uga yimid Midowga Yurub.

Codsigan ayaa waxaa taageeray saddex meelood meel ka mid ah 47-da dal ee xubnaha ka ah madashan, iyo sidoo kale kormeerayaal uu ku jiro Mareykanku.

Related posts

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

August 5, 2025

Qaraar qabyo ah oo uu soo bandhigay Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xadgudubyada Ka dhanka ah bini’aadan’nimada oo ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya gobolka Tigray ee Itoobiya,  madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ay sheegtay bishii hore in ay noqon karto dembiyo dagaal.

Marka la meelmariyo qaraarka Midowga Yurub waxay Itoobiya u samayn doonaan guddi caalami ah oo khubaro ah oo dhinaca xuquuqul insaanka ah, si ay baaritaan dheeraad ah u sameeyaan, ayna warbixin kasoo celiyaan sannad ka dib.

“Marka la eego xaaladda sii xumaaneysa, waxaan rumeysannahay in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay isku dayaan inay ka hortagaan gabood-fallo kale oo ay xaqiijiyaan isla xisaabtanka iyo cadaaladda dhibanayaasha iyo kuwa badbaaday,” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay Lotte Knudsen, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Qaramada Midoobay ee Geneva.

Previous Post

Wasaaradda Caafimadka Galmudug oo Cadaado kafurtay tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo caafimaad

Next Post

UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

Next Post
UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

UN rights forum to hold session on Ethiopia at EU request

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In