Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho, isla markaana horaanta sanadka cusub ee soocda Raadiyaha laga bilaabi doono baahinta Afka Talyaaniga oo ahaa luuqadihii ka bixi jirtay Idaacadda.

Munaasabadda heshiiska ay ku kala saxiixanayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta iyo xubno kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in heshiiska uu yahay sidii Raadiyaha Qaranka dib markale looga baahin lahaa luuqadda Afka Talyaaniga, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameyn doonaan Istuudiyaasha Raadiyaha iyo Keydka Hadalka ee Qaranka oo habcasri ah loo rogi doono cajaladaha ku keydsan.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

“Waxaa maanta halkan lagu kala saxiixday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, heshiis ku saabsan sidii Afka Talyaaniga looga bilaabi lahaa Radio Muqdisho sanadka cusub ee 2022, gaar ahaan bisha Janaayo, Xiriirka Radio Muqdisho iyo Talyaaniga waxa uu soo bilowday sanadkii 1951-dii, sidoo kale waxa ay tababaro siin doonaan shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahan Waaxda Radio Muqdisho, heshiiskana waxaa kala saxiixday Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Dubbe iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi,”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

https://youtu.be/MSCsB2LOYJ0

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In