Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur galbeed oo soo saaray warmurtiyeed.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur galbeed oo soo saaray warmurtiyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta- gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah  ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar- galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla qaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:

waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:

In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka Argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

  1. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada maamul, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha yo Kaluumeysiga.

  1. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka

  1. Doorashooyinka:

Madaxdu waxay  isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo  dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

DHAMMAAAD.

Tags: Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur galbeed oo soo saaray warmurtiyeed.
Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Turkiga

Next Post

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul

Next Post
Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In