Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah oo matalay Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya

Previous Post

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur galbeed oo soo saaray warmurtiyeed.

Next Post

Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Next Post
Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In