Madaxweynaha Jubaland oo kulan laqaatay xubno katirsan guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed ayaa kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doorashooyinka.
Waxaa kale oo Madaxweynaha uu xusay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto wakhtiga iyo fursadaha wali dalka lagaga hirgalin karo Doorashooyin lagaga samata bixi karo xaalada taagan ee dhinacyada amniga iyo abaaraha si loo helo Dowlad Awood u leh wax ka qabashada arimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.