Monday, March 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud oo Jordan uga qeybgalay shirka 4aad ee Wasiirada Howlaha Guud ee Dalalka Jaamacadda Carabta

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud oo Jordan uga qeybgalay shirka 4aad ee Wasiirada Howlaha Guud ee Dalalka Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Dalka Jordan uga qeyb galaya Kalfadhiga afaraad ee Madasha Wasiirada Carabta ee Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, (AMFHUD) oo ka furmay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Kal-fadhi oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga doodi doona arrimo badan oo kamidyihiin xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee Carabta ee dhinaca guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jirto Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee XFS Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa waxa uu Faah-faahiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay ee ay wasaaradda ka qabatay dib u dhiska dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in mudooyinkii dambe uu dib u dhiska dalka sameeynayo kubac fiican, isagoo tilmaamay in Muwadiniinta Soomaaliyeed ay si is-daba jooga u wadaan dib dhiska dalka, Wuxuuna xusay inay ka Dowlad ahaan dadaal ugu jiraan sidii dhismayaal casri ah dalka looga hergalin lahaa, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada Asaasiga ah.

Dhinaca kale Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda ay fuliyeen Olalah is Xilqaan dalkaaga ku dhiso kaasi oo Dib loogu dhisay xaruumo kala duwan oo taariikh fog ku leh dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay xal ugu heli laheyd barakacayaasha loona yareeyn lahaa fiditaanka xeryaha ay ku noolyihiin Barakacayaasha.

Ugu dabeyntii Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeenta ee XFS Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa u mahadceliayay dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ee ka soo qeybgalay shirweynahan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka oo ku amaanay doorkiisa ku aadan maalgelinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin fir fircoon ka tahay.

“waxaan Madashan uga codsanayaa dalalka Carabta ee walaalaha ah inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, iyagoo maalgelinaya Barnaamijyada waaweyn ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha adeegga dadweynaha iyo Xarumaha adeegyada dawladda, kuwaas oo gacan ka geysan doona dib-u-soo-nooleynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya” Ayuu Yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U dhiska Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Previous Post

Doorashada afar kursi oo golaha shacabka ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Next Post
Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Elections for four members of parliament held in Mogadishu

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In