Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dooday amniga iyo dar dargelinta daah furnaanta doorashada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dooday amniga iyo dar dargelinta daah furnaanta doorashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho oo galay maalintii 4aad, ayaa madaxdu waxa ay ka arrinsadeen qodobbada ajandaha shirka  oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka doodeen arrimaha amniga, daah furnaanta doorashada iyo in la mudeeyo xilliga ay ku dhamaaneyso doorashada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

“Maanta maalintii 4aad ayuu galay shirka Golaha oo uu shir guddoominayo Eng, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,, Madaxdu waxa ay maanta sii wadeen doodaha ku aadan arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in si deg deg ah xal looga gaaro, si loo dar dargeliiyo, loona dhameystiro doorashada”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxdu ay yeesheen doodo aad iyo aad u qoto dheer oo muhiim u ah mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed, isla markaana meelo badan horumar laga sameeyay, isagoo intaa ku daray in shirku uu ku socday jawi aad iyo aad u wanaagsan, ayna sii socon doonaan doodaha shirka, lana rajeynayo inay madaxda isla meel dhigaan qodobada horyaalla oo ay ka midyihiin misiirka dalka iyo dar dargelinta doorashooyinka.

 

 

 

 

Previous Post

 Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay Balcad iyo Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag “SAWIRRO”

Next Post
Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag “SAWIRRO”

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In